Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii Afaraad Moos u dhoofiyay dalka Boqortooyada Sacuudiga, taas oo muujineysa in uu dib u soo laabtay xiriirkii ganacsi oo ay Soomaaliya la laheyd dalalka caalamka.

Mooskaan maanta la dhoofiyay ayaa ahaa konteenar waxaana ka qeyb-qaatay  mashruuc Geel waana markii labaad oo ay u dhoofiyaan dalka boqortooyada Sacuudiga.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Ibraahim Dhaqane Cali oo ka socday mashruuca Geel iyo Cabdiwali Cabdullaahi Muumin oo ka socday shirkadda Muumin group ayaa sheegay in suuq uu leeyahay Mooska dalkeena maadaama dhadhan ahaan iyo caafimaad ahaanba uu wanaagsanyahay, hase ahaatee waxa ay dowladda ka codsadeen inay fududeyso sidii suuqyada caalamka loogu iibgeyn lahaa isla markaana uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Nuur Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiraday inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dhoofinta Mooska, waxaana sidoo kale uu sheegay inay tani ififaalo u tahay soo celinta kaalinta mooskeena uu ku lahaa suuqayada Caalamka.

Agaasime Nuur Yuusuf Nuur waxaa kale uu intaa ku daray in dhawaan dib loo howl-galin doono wakaaladdii mooska Soomaaliyeed, isla markaana la dhameeyo sharciyadi dib loogu soo celin lahaa, taasina ay fududeyneyso in guud ahaan dib loo soo celiyo kaalintii mooskeena uu ku lahaa suuqayada Caalamka.

Waa markii afaraad oo ay ganacsatada Soomaaliyeed dalka dibaddiisa u dhoofiyaan mooska ka baxa dalkeena tan iyo bur burkii, waxaana ay kala yihiin dalka boqortooyada Sacuudiga oo laba jeer loo dhofiiyay iyo sidoo kale dalalka Turkiga iyo Qatar oo dhammaantoo saxiib dhaw la ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In