Thursday, May 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 8, 2020
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee loogu tala galay Maareynta Musiibooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameysay xaqiijinta himilooyinka ku dhIgan hannaan howleedka loo yaqaan SENDAI (Sendai Framework for Disaster Risk Reduction).

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025

Si loo yareeyo khataraha musiibooyinka dalka ka dhaca, loona badbaadiyo naf iyo maalba, waxaa hannaan howlaadkiis dhigayaa in dalkasta uu yeesho xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halista dalka ka dhaca.

Iyadoo taas laga amba qaadeeyo, ayaa waxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ay dadaal dheeraad ah ku bixisay si ay uga mira dhaliso unkidda iyo la soo wareegidda habka isbadelka cimiladda iyo ka digtoonaanta khataraha musiibooyinka,
Dhawaan ayaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya si rasmi ah xariga uga jaray xarunta bixin doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ah dhismaha itaalka bulshooyinka ku nool goballada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale hiigsiga ku saabsan in la sameeyo xaruntan waxey ku jirtay qorshaha Tubta arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya halbeegiisa shanaad ‘5.2.’ taas oo looga gol lahaa in Wasaaraddu ay hirgaliso Xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halis wadareedka.

Xaruntani waxay digniinaha hore ka bixineeysaa halista ku soo fool-leh dadka iyo dalkaba sidaa darteed waxay ka koobantahay illaa afar qeeybood oo mid kasta ay qabato shaqa gooni ah, waxayna kala yihiin:
1- Qeybta xog ururinta iyo daraaseeynta halis-wadareedka
2- Qeynta adeega la socodka xaal adda iyo bixinta digniinaha halis-wadareedka
3- Qeeybta baahinta digniinaha hore ee halis-wadareedka
4- Qeeybta dejinsa qorshaha ka jawaab celinta halis-wadareedka
Nidaamka ay xaruntani ku shaqeeyso iyo adeega ay bixineeysaba dadka ayaa xudun u ah, waxaa sidoo kale nidaamkan waajib ku ah in uu muwaadhinka shakhsiga ah iyo bulshadaba awood u siiyo si ay goor hore u ogaadaan khatarta halista ku soo fool-leh, una helaan wakhti ku filan oo ay go’aan a.

Mabaadii’da Hagta nidaamkan Nidaamkan waxaa haga oo bud-dhig u ah qorshaha horumarinta qaranka, siaasadda qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka, sharciga qaran ee maareeynta musiibooyinka oo ay sumadiisu tahay (Lr. 17) iyo istaraatiijiyadda caalamiga ah ee (Sendai Framework) hadafkeeda (G) oo qeexaya lagama-maarmaannimada nidaamka bixiya digniinaha hore ee halis wadareedka.

Ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah ee Masiibooyinka Sida ay qabto siyaasadda qaran ee maareeynta khataraha musiibooyinka, ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah ee masiibooyinka dalka ka dhaca waxaa aasaas u ah in la hayo xog ku filan oo ga’aan lugu qaadan karo si loogu dhawaaqo xaalad degdeg ah.

Ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah waxaa is ka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaa darted ayuu nidaamkan ka digista halistu waxa uu u yahay udub dhexaadka iyo isha xogta la isticmaalayo marka lugu dhawaaqaayo xaaladda dedega ah.

Dhismaha nidaamka qaran Heykalka Dhismaha nidaamkan qaran wuxuu salka ku hayaa oo uu ku dhexdhisanyahay qaab dhismeedka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, waaxdeeda Maareeynta khataraha musiibooyinka.

Sidoo kale waxay wada shaqeeyn joogta ah la yeelaneeysaa saktarada ay hogaanka u hayaan wasaaradaha kale ee dhigeeda ah, sida; wasaaraddaha adeega bulshada ka shaqeeya badankood.

Xogta ay Xaruntu soo saarto
Xogta rasmiga ah ee nidaamka xaruntu soo saarto waxaa ka mid ah; xogaha joogtada ah iyo midda xilliyeedka ah oo isugu jira (a) saadaasha roobabka, (b) saadaasha heerkulka (c) la socodka halista abaaraha (d) la socodka halista fatahaadaha (e) la socodka halista duufaannada (f) la socodka waxyeellada Ayaxa Saxaraha, iyo (g) halista cudurada faafa iyo kuwa saf-mareenka ah.

Xaruntani waxay ku shaqeeyneeysaa qalab casri ah oo isugu jira aalado kombiyuutar oo awood badan iyo shaashado aad u waaweeyn oo lagala socdo xaaladaha hadba sideey isku badalayaan.
Xarunta waxaa loo carbiyay shaqaale aqoon xambaarsan, joogto ah oo u dabacsan, kana soo bixi kara waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale xaruntani xogaha ay soo saarto waxaa loo baahiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Raadiyaha, Telefishinka, Mareegta internetka oo Website, Twitter iyo Facebook-ba leh, iyo qaab toos digniinaha loogu diro dowlad goboleedyada Federaalka ku mideeysan oo illaa heer dagme ayeey digniintaasi hadda gaari kartaa, waxaana rajeeyneeynaa in aan awood u helno sidii aan ku gaarsiin lahayn illaa iyo heer tuullo.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha wabiga Shabeelle.

Next Post
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo Turkiga u tegay booqasho khibrad-wadaag warfaafineed ah

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo Turkiga u tegay booqasho khibrad-wadaag warfaafineed ah

May 22, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala),ayaa gaaray magaalada...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

May 21, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In