Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay arrimo kala duwan oo dhinaca siyaasadda u badan oo ay kamid tahay xiriirka Dawladda Turkiga kala dhexeeya Dawladda calamku aqoonsanyahay ee Liibiya.

Ibrahim Kalin waxa uu tilmaamay in qorshaha Dawladda Turkiga ee arrimaha Liibiya uu yahay mid cad oo aan qarsoodi ahayn, isla markaana ay ka go’an tahay inay garab iyo taageero siiyaan Dawladda Liibiya ee uu hogaamiyo Fayez Mustafa Al-Sarraj.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

“Turkigu wuu sii wadi doonaa taageerada aan siineyno dowladda Liibiya si guul looga gaaro xaaladda nabadeed ee dalkaasi, isla markaana heshiis loo dhex dhigo dhinacyada isku haya xukunka Liibiya” ayuu yiri Afhayeenka Turkigu.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in faragalinta Turkigu ku sameeyey Liibiya ay wax badan ka bedeshay xaaladda Liibiya, isla markaana Madaxweynaha Dawladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu qorshihiisa siyaasadeed yahay in is bedel lagu sameeyo xaaladda Liibiya si loo helo degenaansho iyo nabad.

Wuxuu xusay in Dawladda Liibiya ee caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Mustafa Al-Sarraj ay qaadatay mowqifyo wanaagsan oo ku aadan dariiqa ay u marayso degenaanshah iyo nabadda dalka Liibiya.

W/D: Zakariye Khaliif Faarax

 

Previous Post

Taliska qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u jeediyay askar dhawaan ku dagaalantay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In