Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul wasaarihii dalka Ivory Coast oo Geeriyooday isagoo da’diisu aheyd 61 sano

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaarihii dalka Ivory Coast oo Geeriyooday isagoo da’diisu aheyd 61 sano
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha dalka, Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly, isla markaana ahaa musharaxa xisbiga dowladda doorashada madaxtinimada October ayaa geeriyooday Arbacadii, ka dib maalmo markii uu ka soo laabtay dalka France oo muddo labo bilood ah lagu dabiibayay.

61 sano jirkan ayaa 2012 waxaa lagu sameeyay qaliin dhanka wadnaha ah, waxaana la soo qabtay xilli uu ku jirey shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada, ka dibna waxaa loola cararay isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday, sida uu sheegay afhayeenka madaxweyne Alassane Ouattara.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Geerida Mr. Coulibaly ayaa abuureysa hubaal la’aan ku aadan doorashada dalka Ivory Coast, oo ah dalka adduunka ugu soo saarka badan geedka cocoa, kaas oo hadda xasilooni ku soo laabanayso ka dib sanado deganaansho la’aan ah oo dalkaas oo maray iyo dagaalkii sokeeye oo ay ku dhinteen 3,000 oo ruux.

Madaxweyne Ouattara oo bayaan soo saaray ayaa Coulibaly ku sifeeyay ” walaalkeyga iga yar, wiilkeyga ” waxaan siyaasadda jaal ku aheyd 30 sano.

Ouattara ayaa Coulibaly u magacaabay musharaxa xisbiga RHDP bishii Maarso ka dib markii uu shaaciyay in uu ka tanaasuley ka qeybgalka tartanka doorashada.

Xisbiga RHDP ayaa talada dalkaas hayay tan iyo markii ay dhacday doorashadii lagu murmay 10 sano ka hor taas oo natiijadeeda diiday madaxweyne Laurent Gbagbo.

Sidoo kale, dhimashada Coulibaly ayaa xisbiga talada haya dhexdiis ka abuureysa muran ah cidda bedeleysa, iyadoo wararka qaar sheegayaan in wasiirka gaashaandhigga Hamed Bakayoko lagu bedeli doono.

Halka dad kalena ay qabaan in madaxweyne Ouattara qudhiisa laga yaabo in uu isku soo taago jada marka la waayo qorshe labaad ama “plan B”.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiyay Xubno ka tirsan Guddigii Qaban qaabada 60 Guuradii +Sawirro

Next Post

Shirka Dhuusamareeb ee maanta iyo Wararkii u dambeeyay

Next Post
Shirka Dhuusamareeb ee maanta iyo Wararkii u dambeeyay

Shirka Dhuusamareeb ee maanta iyo Wararkii u dambeeyay

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In