Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Looga Hadlayay Saameynta Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlayay  Saameynta Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo Guddida ganacsiga, warshadaha iyo maal-gashiga ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay ku falan-qeynaayeen saameynta cudurka covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga soomaaliya.

kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen wasiiro, xildhibbaano, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacisga iyo warshadaha, madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada, ayaa aad looggu falan-qeeyey siyaabaha kala duwan ee covid-19 uu u saameeyey ganacsiga, waxaana la sheegay in cudurkani uu hoos-u-dhac weyn ku keenay dhaqaalahii wadanka maadaama bubur ku yimi ganacsiyo tiro badan, shaqo la’aan badan oo uu sababay, hoos-u-dhac ku yimi cashuurtii dawladda iyo weli ba saameyn xoogga oo uu ku yeeshay ganacsatada wax-u-soo dhoofisa dalka.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya  inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddida hawshan soo qaban-qaabiyay, waxaana uu sheegay in daraasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga wadanka balse dedaalo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsatadu ba ay wakhtigan yaraatay saameyntii cudurkaasi. waxa uu sheegay in wakhtiyadii uu cudurkani xooganaa ay dawladdu cashuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dadaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in la joogo wakhtigii dawlad iyo shacabba fursad loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay cudurkaasi loona xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.

Wasiirku, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday dadaalada ay ka wasaarad ahaan ku fududeynayaan kuna horumarinayaan ganacsiga iyo warshadaha iyo weli ba dhiiri-gelinta maal-gashiga, waxaana uu xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay soomaaliya maanta ka mid noqonayso ururada caalamiga ah ee ganacsiyada aduunka.

Tags: Kulan Looga Hadlayay Saameynta Cudurka Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro
Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Next Post
Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee...

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

March 26, 2026
0

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday muhiimadda hal-ku-dhigga loo doortay sanadkan ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In