Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Looga Hadlayay Saameynta Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlayay  Saameynta Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo Guddida ganacsiga, warshadaha iyo maal-gashiga ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay ku falan-qeynaayeen saameynta cudurka covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga soomaaliya.

kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen wasiiro, xildhibbaano, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacisga iyo warshadaha, madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada, ayaa aad looggu falan-qeeyey siyaabaha kala duwan ee covid-19 uu u saameeyey ganacsiga, waxaana la sheegay in cudurkani uu hoos-u-dhac weyn ku keenay dhaqaalahii wadanka maadaama bubur ku yimi ganacsiyo tiro badan, shaqo laโ€™aan badan oo uu sababay, hoos-u-dhac ku yimi cashuurtii dawladda iyo weli ba saameyn xoogga oo uu ku yeeshay ganacsatada wax-u-soo dhoofisa dalka.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya ย inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddida hawshan soo qaban-qaabiyay, waxaana uu sheegay in daraasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga wadanka balse dedaalo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsatadu ba ay wakhtigan yaraatay saameyntii cudurkaasi. waxa uu sheegay in wakhtiyadii uu cudurkani xooganaa ay dawladdu cashuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dadaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in la joogo wakhtigii dawlad iyo shacabba fursad loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay cudurkaasi loona xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.

Wasiirku, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday dadaalada ay ka wasaarad ahaan ku fududeynayaan kuna horumarinayaan ganacsiga iyo warshadaha iyo weli ba dhiiri-gelinta maal-gashiga, waxaana uu xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay soomaaliya maanta ka mid noqonayso ururada caalamiga ah ee ganacsiyada aduunka.

Tags: Kulan Looga Hadlayay Saameynta Cudurka Covid-19 Uu Ku Yeeshay Ganacsiga Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro
Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Next Post
Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka kiiskii musuqmaasuq ee loo heystay ee masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In