Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo oo ka tirsan taliska dhexe ee Booliska ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaannada Maamulkaas iyo baahiyaha Booliska ay qabaan.

Jeneraal Xijaar waxa uu sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalku ku samaynayo deegaannada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka heer Federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed ee Booliska Soomaaliyeed sanadka soo socda.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Sahanka ayaa la doonayaa in gundhig looga dhigo hawlqabadka Booliska ee sanadka 2021-ka, ee dhinacyada qorista ciidamo dheeraad ah, dhismayaasha saldhigyo cusub, saraakiisha la qaadanayo iyo wax ka qabashada baahiyaha kale ee Booliska.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in ay qorshaynayaan booqashada dhawr degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed, lana kulmayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxda dawlad goboleedka, si ay u soo ogaadaan xogaha rasmiga ah ee Booliska heer Federaal iyo heer dawlad goboleed ee aagaasi ka hawlgala.

 

Previous Post

Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”

Next Post

Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Next Post
Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In