Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Agaasimayaasha Guud ee Nadaafada iyo Howlaha Guud ayaa kormeer ku tagay wadada Soddonka, gaar ahaan dagmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, oo ay ka socdaan Olole Nadaafadeed oo lagu xaqiijinayo Bilicda Caasimadda.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay la kulmeen mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Hodan & Howl-wadaag oo ay korkeerka ku tageen, iyaga oo kala hadlay Arrimo ay kamid yihiin dardar gelinta howlaha Amniga iyo nadaafadda.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in ay farayaan Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir inay u diyaar garoobaan bilic soo celinta iyo nadaafadda Gobolka Banaadir.
Waxaa ay sidoo kale ganacsatada ku nool gobolka Banaadir ugu baaqday inay ka qayb qaataan ololaha nadaafadda ee Magaalada muqdisho, isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in Magaalada Muqdisho ay noqoto mid ay ka jirto nadaafad darro.
Wadooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Goobaha Ganacsiga ee qaar ayaa waxaa xilligaan ka jirto nadaafad darro wayn, iyada oo aysan jirin cid xil gaar ah iska saartay waxka qabashada iyo nadiifintooda.