Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kaashaneysa Bahda Garsoorka dalka oo Maamo Luul Cusmaan ku wareejisay wiilkeeda Xassan Cali Ibraahim “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 18, 2021
in Wararka
0
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kaashaneysa Bahda Garsoorka dalka oo Maamo Luul Cusmaan ku wareejisay wiilkeeda Xassan Cali Ibraahim “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo fulinaya ballan qaadkii uu u sameeyay Hooyo Luul Cismaan Xasan oo wiilkeedu muddo afar sanno ah ku xirnaa xabsiga dhexe ee dalka ayaa maanta ku guuleystay inuu u soo daayo, isagoo u maraya hab sharciga waafaqsan.

“Ilaahey SW ayaa mahad iska leh oo noo suura geliyey in aan maanta ku wareejino Maamo Luul Cusmaan wiilkeeda Xasan Cali. Waxay nagu qaadatey mudo labo maalin ah si loo soo dhameestiro habraacii lagu soo deyn lahaa oo sharci ah”Ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir.

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

Xasan Cali Ibraahim oo ah wiilka Hooyo Luul Cismaan ee maanta Wasiirka Cadaaladdu ku guuleystay sii deyntiisa ayaa horay uga mid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxaana lagu helay inuu gatay qoraygii uu Qaranka ugu adeegayay, isagoo dhammeystay muddadii afarta sanno aheyd ee lagu xukumay.

Hooyo Luul Cismaan oo Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya habeen ka hor uu ku booqday gurigeeda, iyadoo murugeysan ayaa farxad la ooysay markii wiilkeeda loo soo daayay, waxayna Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur uga mahadcelisay dadaalka uu ku bixiyay sii deynta wiilkeeda iyo sida uu uga jawaabay dareenkeeda.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane,  Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in mas’uuliyad ay ka saarantahay u Adeegidda Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii loogu cadaalad fali lahaa dhibanayaasha cadaalad doonka ah.

Previous Post

Diyaarad siday gargaar kala duwan oo Maanta la gaarsiiyey degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Agoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Jaamacadda Carabta iyo Dalka Switzerland “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Agoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Jaamacadda Carabta iyo Dalka Switzerland “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Agoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Jaamacadda Carabta iyo Dalka Switzerland “SAWIRRO”

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In