Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ย ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga.
ย Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga
ย Mudane:ย Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
ย Mudane:ย Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya
ย Mudane: Etienne Peterschmitt, Wakiilka Hayโadda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).
ย Wasiirada Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya
ย Shirkada Gaarka ah, ka soo qeybgalayaasha kala duwan Mudanayaan iyo Marwooyin.
ย Mudanayaal iyo Marwooyin,
ย Waxaa farxad weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo kulankani muhiimka ah ee lagu daahfuraayo Barnaamijka Silsiladda Waxsoosaarkaย Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) ay ugu deeqday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maanta waxaa dhamaanteyn Fursad Taariikhi ah noo ah in aan furno bilowga Mashruuca silsiladda Waxsoosaarka iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha ee Xoolaha iyo Kaluumeysiga.
Waxaa kaloo farxad inoo wada ah maanta in aad goob joog ka tihiin dhammaantiina , Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiaga Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Madaxa Hayโadda FAO ee Soomaaliya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Munaasabadan balaaran ee Daahfurka Mashruucan.
Waxaan rabaa in fursaddaan ugu faaโideysto inaan u mahad celiyo Midowga Yurub oo tagaaro buuxda siiyey Barnaamijkan weyn ee wax ku oolka u ah dhammaan bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Xoolo Dhaqatada iyo Kalumaysatada Soomaaliyeed.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Qaar badan oo idinka ka mid ah waxaan isla bilaawnay safarkii dheeraa ee aan ku diyaarineyna barnaamijkaan sannadkii tagay ee 2020kii, kaa soo uga qeyb qaadateen si muuqata islamarkaana aan soo bandhigteen dhammaantiina muhiimadaha iyo Baahiyaha hortabinta idiin leh Deegaanadiina. Sidaad la socotaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Midowga waxey qabteen kulan la tashi ah ooย lagu qabtay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2020 kaa sooย ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha horumarinta xoolaha iyo waxsoosaarkooda oo ay ku jiraan hayโadda FAO, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Shirkadaha gaarka ah waxaana meel laysla dhigay hawlaha hortabinta iyo muhiimadaha u leh qeybta Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa. Shirkani wadatashiga waxaa diiradda lagu saaray muhiimadaha ay asteynayeen Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha iyo Waxsoosaarkooda Somaliya Iyo Qorshaha Qaranka ee 9aad, iyo baahiyaha bulshooyinka.
Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii adeegyada muhiimka ah hoos loogu daadijin lahaa illaa iyo heer bulsho Deegaaneed islamarkaana loo hubiyo in cid walba ay ka faaโideysatay mashruucani.
Mashruucani wuxuu qeyb ka qaadanayaa xasiloonida dalka, dhiira gelinta dib u heshiisinta gudaha, dhisidda nabadda, abuuridda fursad dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo badbaadada dadka taagta daran. Taa soo loo maraayo qaab deegaaneedย ayadoo si wada jir ah looga shaqeynaayo arrimaha siyaasadda, amniga dhaqaalaha si lmaalgeqebta Qeybta Waxsoosaasrka.
Muadanayaal & Marwooyin
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa waxaa ka goโan in kor u qaaddo Nolosha malaayiin xoola dhaqato, xoolo raacato, kuwa ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha iyo Untoodaย iyo buulshooyinka ku nool Miyiga ee ย ku tiirsan xoolaha iyo waxsoosaarkooda. Waxaa intaasi dheer in xoolaha iyo waxoosaarkooda ay qeyb weyn ka qaataan dakhliga dowladda, shaqo abuurka ayadoo lagu qiyaaso xoolaha waxsoosaarkooda shaqooyinka ay abuuraan ay gaareyso 55% marka laga hadlayo dhammaan shaqooyinka dalka ka jira, waxaa kaloo qeyb ka ah shaqooyin aan toos aheyn kuwaasoo ay sameeyaan silsiladda waxsoosaarka Xoolaha sidaa darted ayeey qeybtani xoolaha muhiim inoogu tahay.
Sidaa daraadeed daahfurka maanta ee qeybtaan xoolaha waxey siyaadin doonta kobaca dhaqaale, shaqo abuur xasilooni iyo adeeg bulsho oo gaara illaa deegaanada miyiga ah.
Ugu dambeyntii waxaan hadalkeyga ku soo gabagebynayaa in aan idiinku mahad celiyo dhammaantiina ka goโanaashihiina in kor loo qaado sectorka waxsoosaasrka Xoolaha iyo Kaluumeysiga mashruucanina uu u noqdo udub dhexeed.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa midowga Yurub (EU) oo taageero buuxda ku buxiyey mashruucani, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Hayโadda FAO ee Soomaaliya.
Waad Mahadsantihiin