Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cusmaan Abuukar Dubbe oo uu wehliyay Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA Cali Cabdulqaadir Cali ayaa maanta kulan la yeeshey danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane, Xasan Bin Xamza.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Qatar in laga wada shaqeeyo horumarinta warbaahinta iyo in ay iskaashi yeeshaan warbaahinta labada Dal.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Dubbe ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Qatar is garabtaagga Soomaaliya gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaadday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo meel wanaagsan maraya, halkaasi oo dhawaan uu kormeer ku tagay Wasiir Dubbe.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya mudane Xasan Bin Xamsa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin markasta xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada Dowladood, wuxuuna soo dhaweeyay qorshaha ku aaddan isku xirka iyo iskaashiga warbaahinta labada Dal, sida Wakaaladaha Wararka, Telefeshinnada iyo Idaacadaha, wuxuuna ballan qaaday in taageero dhanka tababarada iyo qalabaynta ah ay u fidin doonaan Warbaahinta.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa tayada warbaahinta, dhinacyada tababarrada shaqaalaha, dhismaha iyo qalabaynta, si adeegga bulshada loo hayo sare loogu qaado, si ay ula jaanqaaddo warbaahinta kale ee Caalamka.

Previous Post

Taliyeyaashii ugu sareeyay ciidanka TPLF oo dowladda Itoobiya isku dhiibay

Next Post

Wasiiru dowlaha Amniga “Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

Next Post

Wasiiru dowlaha Amniga “Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In