Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimha dibadda Turkiga oo digniin u dirtay Midawga Yurub

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimha dibadda Turkiga oo digniin u dirtay Midawga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa uga digay Midowga Yurub inay sii wadaan go’aanka cunaqabateynta lagu saarayo Ankara, kaasi oo ay meel mariyeen bishii Diseembar ee sanadkii tagay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Oglo  ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Michel.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

dhanka kale Wakiilka Turkiga ee Yurub ayaa ku wareejiyay madaxda hay’adaha Yurub casuumaad uu u fidiyay  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay u soo booqdaan dalkiisa, si logu soo bandhigo dalabyada Ankara ee ku aaddan horumarinta xiriirka Midowga Yurub.

sarakiil ka socotay Turkiga ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, kaasi oo ku dhiirrigaliyay Ankara inay xalliso khilaafaadka kala dhexeeya Giriigga.

intii uu socday kulanka Reer Yurub, ayaa waxay kula taliyeen Turkiga,  inay ka waantoobaan waxq kasta oo kicin kara xiisadda dagaal, saraakiisha Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay qaadan doonaan go’aan ay kaga jawaabayaan cunaqabateynta inta lagu gudajiro shir madaxeedka Yurub ee loo balasanyahay  bisha Maarso.

Wasiirada  arrimaha dibada  midowga yurub aya Isniinta soo socta u balansan kulan ay kaga wada hadli donaan xiriirka udhaxeeya midowga Yurub iyo Turkiga, sida uu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Luxembourg Jan Asselbronn war uu siiyay majalada France Press.

Previous Post

Warka Subaxnimo

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay  wajaheayaan dhibaato dhaqaale tii ugu xumeed.

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay  wajaheayaan dhibaato dhaqaale tii ugu xumeed.

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay  wajaheayaan dhibaato dhaqaale tii ugu xumeed.

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In