Maamulka Degmada Hodon oo kaashanaya Waaxaha Gaadiiidka iyo Nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar iyo Shirkadaha Nadaafada ayaa Olole Nadaafadeed ka sameeyey Wadada Sodonka gaar ahaan inta u dhexeysa Black Sea iyo Warshaddii Caanaha.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Hodon Cabdikaafi Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa digniin u diray dadka caadeystey iney Qashinka kusoo shubaan wadooyinka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho iyo ilaalinta nadaafada guud ee Demooyinka Gobolka Banaadir.