Boqolaal mudaaharadayaal ah ayaa isagu soo baxay magaalada Yangon oo ah magaalada ugu weyn dalka Myanmar maanta oo sabti ah, kuwaas oo diidan afgenbigii military ee ka dahcay dalkaas isbuuci lasoo dhaafay.
Dibad baxayaasha ayaa dalbanaaya in ciidamadu faraha kala baxaan xukunka dalka, lana sii daayo hogaamiyaashi la xiray.
Shaqaalaha dhowr wasaaradood ayaa joojiyay shaqaooyinkii ay hayeen, waxayna qaarkood ku biireen isku soo baxyada ka socda magaalooyinka kala duwan ee Myanmar.
Ciimada militriga ee afgebniga sameeyay ayaa soo dhisay xukuumad uu hoggaamiyo taliyaha ciidamdaa, waxayna ku eedeyeen xukuumaddii hore inay is daba marin ku sameysay doorashadii dalka ka dhacday bishii November ee sanadkii tegay.
Qaar ka mid ah dowladaha caalamak ayaa canbaareeyay tilaabada ay qaadeen ciidamada Myanmar, waxayna ka dalbadeen in xukunka dib loogu soo celiyo gacanta siyaasiyiinata madaniga ah, lana soo dayo mas’uuliyiinti la xiray.