Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya 

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doono kaalmada dhaqaale ee Itoobiya siin jireen taas oo lagu bixin jirey laamaha ammaanka, ka dib maalmo markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken xaaladda gobolka Tigray ku tilmaamay isir sifeyn.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Ned Price ayaa jimcihii sheegay in Washington aysan fasixi doonin dhaqaalihii horey loo hakiyay oo Itoobiya siin jireen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

“Anagoo ka duuleyna xaaladda Itoobiya ee xilligan, waxaan go’aansanay in aanan dib u bilaabin kaalmadii maaliyadeed oo ay ku jiraan lacagtii  lagu bixin jirey laamaha amniga ,” sidaa waxaa yiri Price.

Xoghaye Blinken ayaa Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo afjaraan colaadda ka socota gobolka Tigray, xilli uu ka hor hadlayay Congress, waxaana uu sheegay in ciidamo Eritriyan ah iyo kuwa gobolka Amxaarada ka socdo xadgudubyo ka dhan ah bani aadanimada ka geysteen gobolka, isagoo waxaa halkaas ka socda ku sifeeyay isir sifeyn.

Kumanaan shacab ah ayaa lagu dilay colaadda gobolka Tigray halka boqolaal kun oo kale lagu qasbay in ay degaanadooda ka barakacaan, in ka badan shan milyan oo qof oo gobolka ku sugan ayaa waxaa heysata cunto iyo biyo yare, waxaa sidoo kale gabaabsi ay dawada.

Bishii hore waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegeen in joojinta dhaqaalaha Itoobiya siin jireen uusan wax xiriir ah la laheyn muran ka taagan biyo xireen Adis Ababa ka dhistay webiga Nile kaas oo ay isku khilaafsan yihiin; Itoobiya, Suudaan iyo Masar.

 

Previous Post

Taliyaha Qeybta 21-aad ee CXD oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Al Shabaab

Next Post

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Next Post
Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Hay'adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In