Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya 

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doono kaalmada dhaqaale ee Itoobiya siin jireen taas oo lagu bixin jirey laamaha ammaanka, ka dib maalmo markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken xaaladda gobolka Tigray ku tilmaamay isir sifeyn.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Ned Price ayaa jimcihii sheegay in Washington aysan fasixi doonin dhaqaalihii horey loo hakiyay oo Itoobiya siin jireen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

“Anagoo ka duuleyna xaaladda Itoobiya ee xilligan, waxaan go’aansanay in aanan dib u bilaabin kaalmadii maaliyadeed oo ay ku jiraan lacagtii  lagu bixin jirey laamaha amniga ,” sidaa waxaa yiri Price.

Xoghaye Blinken ayaa Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo afjaraan colaadda ka socota gobolka Tigray, xilli uu ka hor hadlayay Congress, waxaana uu sheegay in ciidamo Eritriyan ah iyo kuwa gobolka Amxaarada ka socdo xadgudubyo ka dhan ah bani aadanimada ka geysteen gobolka, isagoo waxaa halkaas ka socda ku sifeeyay isir sifeyn.

Kumanaan shacab ah ayaa lagu dilay colaadda gobolka Tigray halka boqolaal kun oo kale lagu qasbay in ay degaanadooda ka barakacaan, in ka badan shan milyan oo qof oo gobolka ku sugan ayaa waxaa heysata cunto iyo biyo yare, waxaa sidoo kale gabaabsi ay dawada.

Bishii hore waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegeen in joojinta dhaqaalaha Itoobiya siin jireen uusan wax xiriir ah la laheyn muran ka taagan biyo xireen Adis Ababa ka dhistay webiga Nile kaas oo ay isku khilaafsan yihiin; Itoobiya, Suudaan iyo Masar.

Previous Post

Taliyaha Qeybta 21-aad ee CXD oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Al Shabaab

Next Post

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Next Post
Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Hay'adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In