Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 42 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 5 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (29) gobalka Banaadir (10) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 31 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 11-na ay yihiin haween.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,968 waxaa bogsootay 4,424 Ruux. guud ahaan 419 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Previous Post

Wasiir Dubbe: “Shirka arrimaha doorashooyinka waxa uu ka dhacayaa xarunta Afasiyooni ee ciidamada cirka”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Xuuthiyiinta ka geysteen Sacuudiga

Next Post
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Xuuthiyiinta ka geysteen Sacuudiga

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In