Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khasaaraha ganacsi ee caalamka kasoo gaaraya markabka nooca  kunteenarada xanbaara ah oo ku caariyay marinka Suweys (Canal Suez) ee isku xira Badda Cas Iyo Badda Mediterranean-ka yaa waxa lagu qiyaasaya lacag u dhiganta hal bilyan oo doolar taasi oo la micna ah (toban kun oo milyan) maalintii ama $400 oo milyan saacaddiiba.

Boqolaal markab oo badeecado u kal siday waddama kala duwan ayaa afarti maalmood ee u dambeeysay ku xayiran marinka Suweys.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Kanaalka Suweys Dalka Masar, waxa sanadkii kasoo gala cashuurta maraakiibta isticmaasha marinkan Suwees dakhli lacageed oo  lagu qiyaasay $5.6 bilyan sanadkii.

Wargeyska The Times ayaa tilmaamtay in saarida markabkan xamuulka ah ee xiritaanka marinka Suweys ay qaadan karto todobaadyo, taasoo horseedi doonta xiisad dhanka maraakiibta caalamiga ah iyo suurta galnimada yaraanta guud ahaan badeecadaha.

Xaaladda ciriiriga ayaa laga yaabaa inay ka hortagto dib u soo celinta konteynarrada faaruqa ah ee Aasiya, sidaas darteedna waxaa arrinta uga sii daray khalkhalka maraakiibta halkaasi isaga kala gooshta.

Markab laga leeyahay dalka Taiwan oo lagu magacaabo Evergreen Marine ayaa subaxnimadii Talaadada ee Toddobaadkii lasoo dhaafay ku soo caariyay dhinaca koonfureed ee kanaalka.

Tirokoobyada ayaa tilmaamaya in ku dhowaad 19 kun oo markab ay soo mareen kanaalkan  sanadkii la soo dhaafay kuwaa oo siday xamuul ka badan hal bilyan oo tan.

Previous Post

Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa xasuuqii Rwanda

Next Post

Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah

Next Post
Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah

Iiraan iyo Shiinaha  oo isku afgartay saxiixa heshiis istiraatiiji ah

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In