Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub itoobiya ee Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub  itoobiya ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 25, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Axad ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa carabaabay yididiillada uu ka qabo in Safiirka cusub uu guul ka gaaro howlaha loogu igmaday Soomaaliya oo faa’iido u ah xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada si looga faa’ideysto fursadaha iskaashi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay wada-tashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa heer caalamiga ah ee ka tarjumaya danta guud.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka sugan ee dalkiisa ee taageeraya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahihiisa dowliga ah, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya iyo hamigiisa ah inuu horumariyo xiriirka dhow iyo howlaha isku duwid ee taabagelinaya danaha labada dal, korna u qaadaya iskaashiga laba geesoodka ah.

Tags: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub itoobiya ee Soomaaliya
Previous Post

Ciidamada Booliska Dawlad Goboleedka Puntland oo soo qabqabtay masoomayaal iyo raashin bisil.

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In