Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku sheegay mid aan sal lahayn oo dhaawaceysa xiriirka labada dal, go’aankaiiuu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku aqoonsaday “xasuuqa” Armenia.
Erdogan ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka ku faafahiyay rabitaanka Mareykanka, isaga oo xusay taariikhda Mareykanka.
“Madaxweynaha Mareykanka wuxuu jeediyey hadallo aan sal lahayn oo aan daacad aheyn,” ayuu yiri Erdogan.
Armenia ayaa sheegta in qiyaastii 1.5 milyan oo qof lagu dilay xasuuq ay gaysteen Cusmaaniyiinta intii uu socday dagaalkii koowaad ee adduunka.
Turkiga ayaa sheegay in dad Armenian u dhashay iyo kuwa Turkish ahba la dilay xilli ay Cusmaaniyiinta la dagaalamayeen Ruushka iyo kooxo la saftay.
Hase yeeshee Turkiga ayaa si xooggan u beeniyay inay jirto siyaasad xasuuq oo ula kac ah, islamarkaana ereyga “xasuuq” aan xilligaas si sharci ah loo qeexin.
Erdogan ayaa sheegay in Biden uu u baahan yahay “inuu muraayadda isku eego” marka uu xasuuq ugu yeerayo dhacdooyin dhacay qarni ka hor.