Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno ”

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka

Next Post

Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Next Post
Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In