Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

“Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno ”

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka

Next Post

Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Next Post
Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Qaar ka mid ah barayaasha Dugsiyada Galmudug oo tababar loo soo xiray+Sawirro

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In