Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya mudane Cabdifataax Cabdullahi Xasan, kulanka oo ahaaย mid isbarasho ah ayuu Danjiraha boogaadiyay dadaalada dib-u-dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ay wadday sanadihii dambe.
Sidoo kale labada Masโuul ayaa ka wada hadlay xoojinta Iskaashiga amniga iyo Difaacaย ee labada Dowladood.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay inย ciidanka AMISOM iyo xoogga Dalka ay si wada-jir ah u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisadda Al-Shabaab,