Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo soo xiray shirweynaha haweenka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo soo xiray shirweynaha haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaannada degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Garoowe ka socday.

Shirkaan ayaa xoogga lagu saaray doorka haweenka ku lleeyihiin hanaanka doorashooyinka, waxaa gabagabadii Shirwaynahan ka soo qayb galay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland qaar ka mid ah Haweenka Puntland, Madaxda Wasaaradda Haweenka, ururada bulshada rayidka ah, odayaal dhaqameed iyo Madax ka socotay qaybaha kala duwan ee Maamulka.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi oo shirkaani soo xirayay waxa uu bogaadiyay dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland, isagoo xusay in haweenku u baahan yihiin caawin dhinacyo badan leh.

Mudane Karaash ayaa tilmaamay in haweenku kaalin muuqata ku lahaayeen samata bixinta qoysaska iyo bulshada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee lagu guda jiray Burburka hadana ay mudan yihiin tixgalintooda.

Axmed Cismaan Cilmi Karaash Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa gabagabadi Haweenka ku dhiiri galiyay inay is diiwaan galiyaaan oo ay qeyb ka noqdaan hanaanka Dimuqraadiyadeed ee ay Puntland u guurayso Maadaama ay yihiin bulsho ahaan 65%.

Shirwaynahan Haweenka Puntland ee ka qayb qaadashada Haweenka ee doorashooyinka Golayaasha Deegaannada Puntland ayaa ku soo aadaysa, iyadoo saddex dagmo oo ka tirsan Puntland ay dhawaan ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo dadku ku soo dooranayaan Mudanayaasha Golaha deegaanka ee degmooyinkaasi.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ka badan 50 kun oo Falastiiniyiin ah ay ku barakaceen duullaanka Israa’iil ee Gaza

Next Post

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In