Hey’adda cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegtay in la fasaxay ilaa 200 oo ah Gaadiid sida gargaar bani’aadinimo, kaasi oo ku sii jeeda gobalada ay colaadaha la dageen tigreega.
Sarkaal ka tirsan WFP ayaa xusay in 44 gaadiid ah ay ka tageen magaalada semera ee ismaamulka Canfarta balse aysan weli gaarin gobalka tigreega ee waqooyiga itoobiya.
Deegaanada ay mareen Gadiidkan wada raashiinka gargaarka ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaaalada ka socda gobalka tigreega.
Afhayeen u hadlay barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegay in ay rajeynayaa in dhawaan gobalka ay gaari doonaan ilaa 900 oo Tan oo Raashiin gargaar ah.
WFP waxaa ay xustay in maalinkiiba ay gobalka tigreega soo gaari doonaan ilaa 100 gawaari xamuulka ah oo wada raashiin si kaalmo deg deg ah loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gobalka.
Qaramada midoobay ayaa hore u sheegtay in ilaa iyo 5 milyan oo ruux oo ku nool waqooyiga itoobiya ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah iyadoo sidoo kale ay jiraan 400,000 oo ruux oo kale oo saameysan Abaar ku dhufatay gobalka.
Dowladda itoobiya ayaa waxaa hore loogu eedeeyay in xayiraad saartay gargaarki loogu tala galay in lagu samata bixiyo dadka ku dhibaateysan gobalka kuwaa oo ay si weyn u saameysay colaada ka taagan gobalka tigreega.