Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda oo kormeeray waddooyinka biyaha laga dhurayo ee roobabku biyo fadhiisad ka sameysteen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda oo kormeeray waddooyinka biyaha laga dhurayo ee roobabku biyo fadhiisad ka sameysteen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar ka mid ah  waddooyinka magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ugu kuur galayay Howsha ka socta magaalada robabkii ka da’ay iyo shaqadii ay ka qabteen shaqaalaha Dowladda Hoose.

Guddoomiye Cumar ayaa xusay in maamulka uu dadaal ku bixinayo sidii biyaha looga nadiifin lahaa waddooyinka xirmay ee ay roobabku degeen, ayna ka shaqeynayaan Waaxda Nadaafadda dowladda Hoose oo kaashanaya booyado.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

“Roobab mahiigan ayaa ka da’ay magaalada, xalay ilaa iyo maanta ayay si xowli ah u da’ayeen magaalada, roobabkii da’ayay ayaa waxa ay sababeen wadddooyin badan oo kuwa magaalada ah ay xirmaan, Raxmad Alle uu keenay waaye, runtii khasaare nafeed ilaa iyo hadda naloo ma soo sheegin, laakiin wey dhacdaa mararka qaarkood, waddooyinka marka ay sidan oo kale noqdaan  booyado ayaan biyaha kaga dhaaminaa”. Ayuu yiri Duqa Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xusay in Maamulka uu muddoonyinkii dambe waday maareynta biyaha fadhiista waddooyinka, ayna jiraan meelo badan oo biyaha tubooyin ka qaada, kuwaasi oo badda ku shuba.

Duqa Caasimadda ayaa shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan muddada kooban ee biyaha looga dhurayo waddooyinka qaar ee daadadka ka dhashay roobka fadhiisteen.

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo soo saaray qoraal ku aaddan Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Next Post

Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In