Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda oo kormeeray waddooyinka biyaha laga dhurayo ee roobabku biyo fadhiisad ka sameysteen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda oo kormeeray waddooyinka biyaha laga dhurayo ee roobabku biyo fadhiisad ka sameysteen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar ka mid ah  waddooyinka magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ugu kuur galayay Howsha ka socta magaalada robabkii ka da’ay iyo shaqadii ay ka qabteen shaqaalaha Dowladda Hoose.

Guddoomiye Cumar ayaa xusay in maamulka uu dadaal ku bixinayo sidii biyaha looga nadiifin lahaa waddooyinka xirmay ee ay roobabku degeen, ayna ka shaqeynayaan Waaxda Nadaafadda dowladda Hoose oo kaashanaya booyado.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Roobab mahiigan ayaa ka da’ay magaalada, xalay ilaa iyo maanta ayay si xowli ah u da’ayeen magaalada, roobabkii da’ayay ayaa waxa ay sababeen wadddooyin badan oo kuwa magaalada ah ay xirmaan, Raxmad Alle uu keenay waaye, runtii khasaare nafeed ilaa iyo hadda naloo ma soo sheegin, laakiin wey dhacdaa mararka qaarkood, waddooyinka marka ay sidan oo kale noqdaan  booyado ayaan biyaha kaga dhaaminaa”. Ayuu yiri Duqa Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xusay in Maamulka uu muddoonyinkii dambe waday maareynta biyaha fadhiista waddooyinka, ayna jiraan meelo badan oo biyaha tubooyin ka qaada, kuwaasi oo badda ku shuba.

Duqa Caasimadda ayaa shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan muddada kooban ee biyaha looga dhurayo waddooyinka qaar ee daadadka ka dhashay roobka fadhiisteen.

 

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo soo saaray qoraal ku aaddan Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Next Post

Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Saddex Arday oo ku guulaysatay abaalmarinta tartan farshaxan oo lagu qabtay Kismaayo “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In