Guddoomiyaha dagmada Warta Nabbadda ee Goblalka Banaadir Saynab Maxamed Warsame (Saynab Xaabsay) oo dhawaan gaartay Gaalkacyo ayaa maanta kulan kula qadatay Magaalada Gaalkacyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Gobalka mudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulanka oo u jeedkiisu ahaa u diyaar garoowga doorashada xubnaha Gollaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha dagmada Warta Nabbadda ee Goblalka Banaadir Saynab Maxamed Warsame (Saynab Xaabsay) oo ka codsatay odayaasha dhaqanka ineey ku garab istaagaan tartanka loogu jiro doorashada xildhibaanada soo socda ee Gollaha shacabka taas oo ay xustay in ay dooneeyso inay u tartanto mid ka mid ah kuraasta doorashadooda ka dhaceyso Gaalkacyo .
Odayaashii Dhaqanka ee kulanka ka soo qeyb galay qaar ka mid ah ayaa dhankooda si weyn u soo dhaweeyay codsiga ay usoo jeedisay Marwo Saynab Maxamed Warsame (Saynab Xaabsay).