Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sarkaalka ka arrimiya bariga Libya, ee Jeneraal Khaliifa Xaftaar ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay inuu yahay musharrax madaxweyne oo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada loogu tartamayo madaxtinimada dalkaas ee la filayo inay Libya ka dhacdo bisha soo socda ee December, sida uu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay telefishinka wadankaas.

Xaftar waxa uu qiray in doorasho ka dhacda Libya ay tahay wadada kaliya ee looga bixi karo khilaafka 10-sano jirsaday ee ka jira dalka Libya.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Warbaahinta maxalliga ayaa werisay in Xaftar uu maanta galinka dambe tegi doono magaalada Bangaazhi, halkaas oo uu kula kulmi doono xubnaha guddiga doorashada oo u gudbin doono warqadiisa musharraxnimada.

“Doorashooyinku waa sida kaliya ee looga bixi karo qalalaasaha ba’an ee dalkeennu galay,” ayuu yiri Jeneraal Khaliifa Haftar, waxaana la filayaa inuu musharaxnimo isku diiwaan geliyo gelinka dambe ee Talaadada maanta ah.

Ku dhawaaqista musharaxnimada Jeneraal Xaftar waxay ku soo aadeysaa, xilli Axadii todobaadkaan uu shahaadada musharaxnimada madaxtinimada dalkaas qaatay Sayf al-Islam Qaddafi, oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Korneyl Mucamar Al-Qadaafi.

Doorashadaan waxaa loo arkaa inay muhiim u tahay dalka Libya oo colaado sokeeye ay daashadeen sanadihii u dambeeyey, waxaana taageeraya in dalkaas ay doorasho xor ah ka dhacdo Qaramada Midoobey iyo wadamo badan oo shisheeye.

Previous Post

Qaraxyo ka dhacay dalka Uganda

Next Post

Golaha ammaanka ee QM oo kordhiyay mudada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Next Post
Golaha ammaanka oo shir gaar ah ka yeeshay Soomaaliya

Golaha ammaanka ee QM oo kordhiyay mudada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In