Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sarkaalka ka arrimiya bariga Libya, ee Jeneraal Khaliifa Xaftaar ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay inuu yahay musharrax madaxweyne oo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada loogu tartamayo madaxtinimada dalkaas ee la filayo inay Libya ka dhacdo bisha soo socda ee December, sida uu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay telefishinka wadankaas.

Xaftar waxa uu qiray in doorasho ka dhacda Libya ay tahay wadada kaliya ee looga bixi karo khilaafka 10-sano jirsaday ee ka jira dalka Libya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Warbaahinta maxalliga ayaa werisay in Xaftar uu maanta galinka dambe tegi doono magaalada Bangaazhi, halkaas oo uu kula kulmi doono xubnaha guddiga doorashada oo u gudbin doono warqadiisa musharraxnimada.

“Doorashooyinku waa sida kaliya ee looga bixi karo qalalaasaha ba’an ee dalkeennu galay,” ayuu yiri Jeneraal Khaliifa Haftar, waxaana la filayaa inuu musharaxnimo isku diiwaan geliyo gelinka dambe ee Talaadada maanta ah.

Ku dhawaaqista musharaxnimada Jeneraal Xaftar waxay ku soo aadeysaa, xilli Axadii todobaadkaan uu shahaadada musharaxnimada madaxtinimada dalkaas qaatay Sayf al-Islam Qaddafi, oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Korneyl Mucamar Al-Qadaafi.

Doorashadaan waxaa loo arkaa inay muhiim u tahay dalka Libya oo colaado sokeeye ay daashadeen sanadihii u dambeeyey, waxaana taageeraya in dalkaas ay doorasho xor ah ka dhacdo Qaramada Midoobey iyo wadamo badan oo shisheeye.

Previous Post

Qaraxyo ka dhacay dalka Uganda

Next Post

Golaha ammaanka ee QM oo kordhiyay mudada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Next Post
Golaha ammaanka oo shir gaar ah ka yeeshay Soomaaliya

Golaha ammaanka ee QM oo kordhiyay mudada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In