Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Qaraxyo ka dhacay dalka Uganda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 16, 2021
in Caalamka, Wararka
0
Qaraxyo ka dhacay dalka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka aan ka heleyno dalka Uganda waxay sheegayaan in caasimadda Kampala ay goordhaw ka dhaceen ugu yaraan labo qarax oo waaweyn, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha ee dalkaas. 

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xarun laga dukaameysto oo u dhaw saldhigga dhexe ee booliska ka howlgala magaalada Kampala, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel u dhaw dhismaha baarlamaanka wadanka Uganda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyadu ay aad u xooganaayeen, isla markaana ay gilgileen dhismayaasha waaweyn ee caasimadda.

Warbaahinta ka howlgasha gudaha dalkaas waxay soo bandhigtay muuqaallo muujinaya gaadiid gubanaya iyo dadka oo kala cararaya, waxaana la soo sheegayaa in deg deg heegan loo geliyey booliska magaalada Kampala.

Sidoo kale kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa bilaabay dadaallo loogu gurmanayo dadka ku waxyeeloobay qaraxyada iyo deminta dabka ka dhashay oo qabsaday gaadiid iyo dhismayaashii ka ah dhawaa goobta.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii labo qof ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay dalkaas Uganda.

Mas’uuliyiinta dowladda waxay qaraxyadaas ku eedeeyeen inay ka dambeysay koox fallaago ah oo Islaami ah oo fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Ugu yaraan 50 qof ayey dowladda Uganda u xirtay inay ku lug lahaayeen qaraxyadaas, qaar kamid ah dadkan ayaana dacwado lagu soo oogay.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne

Next Post
Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne

Gen. Khaliif Xaftar oo shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In