Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta, kuwaas oo ay ka wada hadlayaan arrimo quseeya doorashooyinka dalka.
Ra’iisal wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kulankooda si gaar ah diirada ugu saaraya arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.