Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsiga, waxbarashada iyo maalgashiga ee ka jira dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, horumarrada ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qorsheyaasha laga dhur-sugayo, isaga oo ganacsatada iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkiga ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.
Dhankooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyey xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, iyagoo la wadaagay dareenkooda ku aaddan baahiyaha ay qabaan jaalliyaddu.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xubnaha jaalliyadda ee ka soo qayb galay kulanka iyo kuwa kale ee ay u saamixi weydey xaaladda COVID-19-Ku kula dardaarmay in ay midoobaan, isna caawiyaan, sidoo kale na ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo si weyn u soo dhoweeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan.
Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Moowlid Xuseen Guhaad,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Caydiid Maxamed.
Previous Post

Foreign Minister participates the Extraordinary Session in Pakistan

Next Post

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Next Post
Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In