Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo xalay la kulmay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka gobolka +Swirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo xalay la kulmay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka gobolka +Swirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

Related posts

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026

“Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhammaanteenna aynu u wada istaagno sidii aan uga badbaadin lahayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.

Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Previous Post

Howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo oo Caawa Boolisku ka sameeyeen Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida

Next Post
Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida

Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaal-qodista ee Soomaaliya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In