Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas cuub oo kaamam ka samaysanaya duleedka magaalada Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Qoysas cuub oo kaamam ka samaysanaya duleedka magaalada Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoysaskaan oo kaamam cusub ka samaynaya duleedka magaalada Xudur ayaa waxay ka soo barakaceen deegaannada Ceelgodow, Fadhigaale iyo deegaanno kale oo Gobolka Bakool ka tirsan, waxana barakacooda sabab u ah abaaraha dalka ka jira.

Guddiga digniinta abaaraha iyo masiibooyinka Gobolka Bakool iyo hay’adaha ACF ayaa maanta kormeerey goobaha qoysaskaan cusub fariisimaha ka samamyteen, waxayna wax ka weydiiyeen xaaladoda nololeed, qoysaska oo u badan haween waayeel iyo carruur ayaa waxa ay ka warbixiyeen in adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha aadanaha aan waxba ka haysan, xoolihiina ay abaartu ka dhameysay.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026

Intaa ka dib guddiga waxa ay indha indheyn ku sameeyeen Ceelasha biyaha magaalada Xudur waxana dul tageen ceelal marhore biyo ka go’een iyo qaar kale oo biyahooda gabaabsi yihiin dad iyo duuyana habeen iyo maalin dul fadhiyaan, biyaha waa wasakh dadka iyo xoolaha cabaya waxay halis ugu jiraan xanuunada biyaha wasakhda ah ka dhasha.

Xoolaha muuqaal ahaan aad ayay caato u yihiin meelaha qaar waxaad ku arkaysaa xoolo  abaarta awgeed u bakhtiyay, waxaana Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Goboka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan uu lakulmay oday waayeel ah oo meel fog xoolo ka soo arooriyey welina aan biyo u helin, maadaama ay biyo yari ka jirto ceelasha magaalada.

Qaar ka mid ah guddiga digniinta abaaraha iyo musiibooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in xaalado bani’aadanimo ay ka jirto gobolka Bakool, una baahan in deg deg loogu soo gurmado.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In