Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas cuub oo kaamam ka samaysanaya duleedka magaalada Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Qoysas cuub oo kaamam ka samaysanaya duleedka magaalada Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoysaskaan oo kaamam cusub ka samaynaya duleedka magaalada Xudur ayaa waxay ka soo barakaceen deegaannada Ceelgodow, Fadhigaale iyo deegaanno kale oo Gobolka Bakool ka tirsan, waxana barakacooda sabab u ah abaaraha dalka ka jira.

Guddiga digniinta abaaraha iyo masiibooyinka Gobolka Bakool iyo hay’adaha ACF ayaa maanta kormeerey goobaha qoysaskaan cusub fariisimaha ka samamyteen, waxayna wax ka weydiiyeen xaaladoda nololeed, qoysaska oo u badan haween waayeel iyo carruur ayaa waxa ay ka warbixiyeen in adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha aadanaha aan waxba ka haysan, xoolihiina ay abaartu ka dhameysay.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025

Intaa ka dib guddiga waxa ay indha indheyn ku sameeyeen Ceelasha biyaha magaalada Xudur waxana dul tageen ceelal marhore biyo ka go’een iyo qaar kale oo biyahooda gabaabsi yihiin dad iyo duuyana habeen iyo maalin dul fadhiyaan, biyaha waa wasakh dadka iyo xoolaha cabaya waxay halis ugu jiraan xanuunada biyaha wasakhda ah ka dhasha.

Xoolaha muuqaal ahaan aad ayay caato u yihiin meelaha qaar waxaad ku arkaysaa xoolo  abaarta awgeed u bakhtiyay, waxaana Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Goboka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan uu lakulmay oday waayeel ah oo meel fog xoolo ka soo arooriyey welina aan biyo u helin, maadaama ay biyo yari ka jirto ceelasha magaalada.

Qaar ka mid ah guddiga digniinta abaaraha iyo musiibooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in xaalado bani’aadanimo ay ka jirto gobolka Bakool, una baahan in deg deg loogu soo gurmado.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In