War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Washington, ayaa lagu sheegay in beegsiga xarumaha Rayidka ee Ukraine ay tahay dambi dagaal, isagoo xusay in Mareykanka uu maxkamadda dambiyada Caalamiga ah siin doona macluumaad ku saabsan waxa Moscow ay ka sameyneyso magaalooyinka Ukraine.
Bayaanka oo soo baxay galinkii danbe ee Jimcihii shalay, ayaa sidokale lagu sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden aanu dib ula macaamil doonin dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, illaa hogaanka dalkaasi uu la yimaado isbeddel nidaam.
Dhinaca kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ayaa ku dhawaaqday in Xukuumadda Kyiv ay ku wargelisay in qaar kamid ah qalabka aasaasiga ee warshaddaha Hubka uu waxyeello soo gaaro.
Sidokale, Xoghayaha Tamarta Maraykanka Jennifer Granholm ayaa carabka ku adkeysay in aan indhaha laga qabsan Karin waxyaabaha Moscow ay kula dhaqmeeyso dadka Rayidka ah ee Ukraine.