Wasiirka Gadiidka iyo duulista Duraan Axmed Faarax oo uu wehliye maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Maxalin Xasan ayaa maanta kulan la qaatay danjira UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada ATMIS.
Mas’uuliyiinย ayaa kawada hadlay xoojinta Amniga Garoonka Adan Cade oo ka dhaceyso xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan Maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Ingiriiska Kate Foster oo ay weheliyaan Saraakiil Sare oo ka socda UK iyo Hawlgalka ATMIS, waxaana ka wada hadalnay Sidii wada jir looga shaqayn lahaa Xaflada caleemo saarka oo dhawaan ka dhacaysa Xayndaabka Garoonka Aden Cabdulle iyo sidii loo fududayn lahaa In si habsami leh ay u qabsoonto Xaflada Caleemo Saarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.
“Sidoo kale kulankeena waxaan awooda ku saarnay in Hayโaddaha kala duwan ee dagan Xayndaabka Garoonka Aden Cabdulle ay wada shaqeeyaan iyo in la iska kaashado qurxinta Banaanka Hayโadahaas xarumahooda oo aysan ku koobnaan gudaha.