Wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa manta tababar ku saabsan wax soo saarka warbaahinta Bulshada u furay qaar ka mid wariyayaasha ka howlgala warbaahinta dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay,waxana soo agaasimay tababarka waaxada Shaqaalah& tababarada iyo warbaahinta cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Tababarka oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa lagu baranaya cashiro la xariiro habka loogu shaqeeyo Baraha bulshada waxaana ka faaโiideysanaya qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Qaranka iyo xubno ka socda warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo tababarkaan furay ayaa tilmaamay in warbaahinta bulshada ee Social Media-ha ay hadda yeelatay muhiimadda koowaad ee xog gaarsiinta dadweynaha, iyadoo qofka la gaarsiinayo wax kasta goorta ay dhacayaan.