Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jara’id qabtay maanta ayaa beeniyay afduubka labo gabdhood oo walaalo ah oo maalmo ka hor la sheegay in laga fuubtay xaafad ku taala degmada Deyniile.
Labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo Asma Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiya Cabdullaahi Cismaan, oo muddu ka maqnaa reerkooda ayuu Afhayeenka sheegay in aanay waxba ka jirin wararka ay baahiyeen warbaahinta qaar ee ku saabsanaa in labadan gabdhood la afduubtay.