Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya aayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Goobaha ay haatan sida ba’an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md; Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bilihii ugu dambeeyay waday safarro la xiriira u kuurgalka abaaraha dalka ayaa sheegay in xaaladdu ay marayso heerarkii ugu xumaa loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Xil; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dabayaaqadii Todobaadkan booqday xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay jiraan dad u badan carruur, haween iyo da’ aad u jilicsan, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa horay safarro u kuurgal ah ugu tagay barakacayaal ku jira xeryo ku yaalla inta badan maamullada uu dalku ka kooban yahay, isagoo sheegay inay heerka baahidu tahay mid aad u daran, macaluulna ay ka jirto degaannada qaar.

Maaulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dhowaan sheegay inay degaanno hor leh oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ay ku fidday abaartu, wuxuuna maamulku sheegay inay jiraan xeryo barakac cusub ah oo haatan ka samaysmay duleeddada magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, kuwaas oo u baahan in gargaar lala gaaro.

Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab oo degaannada qaar ku haysey go’doomin ayaa haatan billaabay inay aasaan Ceelasha biyaha ee ay ku noolaayeen dadka ku dhaqan dhulka miyiga, iyagoo gubay Tuulooyin badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, taas oo kasii dartay xaaladda guud ee abaarta ka jirta dalka.

Abaarta haatan ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen dhowr xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in, fatahaado soo laalaabtay iyo Ayax baabi’iyay dalagyadii la tacbaday, colaado iyo sicir barar ayaa ah mid saamaynteedu ay kusii fideyso degaanno hor leh.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Muqdisha ayaa sheegay dhowaan in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda Oo Yeeshay Wada Hadallo Miradhal Ah

Next Post

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Next Post
Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In