Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mud. Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka goโan tahay inay cid kasta kala kaashato arrimaha gurmadka abaaraha iyo ka xoreynta degaanada argagixsada ay kaga suganyihin dalka.
Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka iyo arrinaha abaaraha ka jira dalka