Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo sheegtay inay sii xoogeysatay Abaarta kajirta geeska Afrika

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay macaluul daran oo ka jirta gobolka Geeska Afrika, taasi oo ay sababeen Abaaraha daba dheeray ee gobalka ka jira.

Qaramada Midoobay  ayaa sheegeysa in Gaajada ay sii kordhayso marba marka ka dambaysa, waxaana meelaha ugu daran ka mida qeybo ka mid ah Soomaaliya oo aan muddo afar sano ah oo xiriir ah aan helin roobabkii la filayey.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa horay u sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani, sidokale waxay sheegeen in abaarahaasi ay sababeen in malaayin xoolo ah ay dhinteen, halka illaa Todoba million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan iyo inay xoolahooda ay u helaan meel ay ugu helaan baad iyo biyo.

Hay’adda WFP ayaa ka digtay korarka ku yimaado tirada dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ay hayso gaajada, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.

WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.

Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya, ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya oo saamaysay in ka badan 7 million oo qof, taasoo noqonaysa xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd ee uu arko muddo 21 sano ah oo uu ka shaqaynayey hay’adda WFP.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Next Post

Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan

Next Post
Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan

Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In