Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André.
Wasiirka iyo Safiirka, ayaa kawada hadlay Xoojinta Ciidanka Booliiska, ka hortagga argagixisada, taakuleynta dadaalada Socda ee amniga iyo taageerada Amniga Soomaaliya si bulshada Soomaaliyeed Nabad ugu noolaadaan.
Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyaad oo iska kaashanaayo Ciribtirka Argagixisada Al-Shabaab,ayaa dagaalo kawada qeybo badan oo ka tirisan gobalada dalka.