Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates airlines, oo ku socotay New York, taasi oo ay saaraanayeen ku dhowaad 250 qof oo rikaab ah, ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.
Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.
Afhayeen u hadlay Booliska, ayaa sheegay in diyaaradda ay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.
Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.
Wadar ahaan Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 246 ruux, 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaalaha diyaarada kamid ah.
Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in masโuuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in โqof la tuhunsan yahayโ uu saaran yahay diyaaradda.