Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaibril Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimaha guud ee cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Wasaaradda Mudane Maxamed Saneey Dalmar iyo Agaasimahii hore Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan.
Wasiirka, ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub oo u rajeeyey in Eebe ku asturo xilka iyo masโuuliyadda loo igmaday, isaga oo sidoo kale sagootiyey agaasimahii hore oo uu uga mahadceliyey muddadii ay soo wada shaqeeyeen.
Agaasimaha guud ee cusub oo halkaas ka hadlay, ayaa Raโiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre uga mahadceliyey xilka uu u soo magacaabay, isaga oo carabka ku dhuftay inuu xilka iyo masโuuliyadda loo igmqday uu u gudan doono si daacadnimo iyo hufnaani ku jirto isla-mar-ahaantaana uu ka shaqeyn doono siddii loo horumarin lahaa Ganacsiga iyo Warshadaha dalka.
Agaasimaha guud ee cusub Mudane Maxamed Saney Dalmar, ayaa sidoo kale Wasiirada, madaxda Wasaaradda iyo guud ahaan shaqaaleweynaha uga mahadceliyey sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay inuu Wasaaradda ku hoggaamin doono shaqo wanaag iyo wax-qabad muuqda oo la taaban karo sidoo kale na ay u sinaan doonaan dhammaan shaqaalaha Wasaaraddu.