Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminay ayaa gaaray degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga xoreyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Wafdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Masuuliyiin, saraakiisha ciidanka iyo shacabka reer Aadan yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.