Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka hadlay ciribtirka Khawaarijta iyo masuq-maasuqa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka hadlay ciribtirka Khawaarijta iyo masuq-maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab,doorka culumada iyo la dagaallanka masuq maasuqa ay dowladdu waddo.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026

“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bey uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

“ Marka laga hadlo masuq-maasuq dadka waxay u yaqaan qofka xukunka ama dowladda jooga kaliya inuu wax masuq-maasuqa, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga iskuulka inuu ka jiro masuq-maasuqa, Jaamacadaha,Dukaanka inuu ka jiro, masuq-maasuqa Soomaaliya waa mehradeedii, meesha ay ka imaaneyso mashaakilka inuu hoos yahay ma oga,”. ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo masuq maasuqa oo labada ka mid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada,waxayna caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Khadka Taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga

Next Post

Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Gen indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga.

Next Post
Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Gen indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga.

Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Gen indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In