Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo tacsi u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay.
Madaxweynaha oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayaa adkeeyay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal.