Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan Suuq-geynta oo laga furay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan Suuq-geynta oo laga furay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa maanta daah-furay tababar soconaya muddo shan maalmood ah oo kor looggu qaadayo aqoonta iyo fahamka shaqada ee shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan Waaxda Ganacsiga iyo Suuq-geynta.

Tobabarkan, ayaa shaqaalaha lagu tobabari doonaa Qorshe hawleedka Waaxda, maamulka mashaariicda, maamulka xafiisyada, daba-galka iyo qiimeynta, qaadista hadal qoraaleedyada, sida loo diyaariyo warbixinaha iyo weli ba sidoo kale anshaxa wanaagsan iyo waajibaadka shaqada ee saaran shaqaalaha.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Wasiir Cismaan Daallo oo la hadlay shaqaalaha, ayaa kula dar-daarmay inay si fiican uga faa’idaystaan macalimiinta iyo khubarada kala duwan ee bixinaysa tobabarka sidoo kale na waxa ay halkaas ka bartaan ay ku dabakhaan hawlaha shaqo ee ay qabanayaan. Isaga oo xusay in ka mas’uuliyiin ahaan ay ka go’an tahay daadejinta hawlaha shaqo sidaas darteedna ay tobabarkan u siinayaan shaqaalaha si ay faham buuxa uga helaan qabashada waajibaadkooda shaqo.

Previous Post

The Emir of Qatar travels to Turkey on an official visit

Next Post

Wasiirka Batroolka XFS oo Saafaradda Turkiga ugu tegay in uu usoo tacsiyeeyo

Next Post
Wasiirka Batroolka XFS oo Saafaradda Turkiga ugu tegay in uu usoo tacsiyeeyo

Wasiirka Batroolka XFS oo Saafaradda Turkiga ugu tegay in uu usoo tacsiyeeyo

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In