Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga si uu ugu tacsiyeeyo Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadkii ku dhintay musiibada dhulgariirkii ka dhacay maalmo ka hor.
“Waxaan la wadaagay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin dhibka gaaray, isla markaana uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda”.ayuu yiri Wasiirka Batroolka.
Turkiga ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dhulgariir aad u weyn, kaas oo qasaaro badan ka dhashay.