Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta oo kulan la qaatay Safiirka Qatar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta oo kulan la qaatay Safiirka Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

GuGuddoomiyaha adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Mahamoud Moallim Abdulle,ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar danjiraha Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee muqdisho ayaa waxaa looga hadlay doorka dowlada aan walaalaha nahay ee Qatar la tacaalida arrimaha abaaraha, Gargaarka iyo Mashaariicda Hormineed ee dalka ka wadaan sidii loo laba jibaari lahaa garab istaag shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kale Hay’adda Sodma ayaa dowladda Qatar iyo Safiirka ka dalbatay in ay ka Caawiyaan Hay’adda Hormarinta Xarunteed Gurmadka Degeg oo ah xarun ka shaqeeysa Xaaladaha guud ee Gurmadka Deg dega ah ee dalka ka jira, una noqon laheed mid la jaan qaada Xarumaha Gurmadka Degeg kale ee Geeska Afriga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Dowladda Qatar iyo Hay’addaheeda ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada ayaa mudo dheer ka shaqeynayay gudaha dalkeena ayagoo dadaal badan geliyay la tacaalida arrimaha abaaraha, sidoo kale fuliyay mashaariic horumarineed.

Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya danjiraha Abdullah bin Salem Al Nuaimi, ayaa sheegay Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan oo soo jireen ah, sidoo kalan xusay in Dowlada Qatar marwalba Dalka Soomaaliya kala qayb qaadan doonto xaaladaha adag ee Binaadanimo ay dalka jirto.

Ugu danbeeyn Gudoomiyaha SoDMA Muadane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa dowlada Qatar kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda maadama ay dalka jirto xaalad adag oo binaadanimo.




Previous Post

PM Hamza Abdi Barre launches Ministry of Education’s teacher hiring exam

Next Post

Golaha shacabka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa 

Next Post
Golaha shacabka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa 

Golaha shacabka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In