Xalay abaaro 12:10 hameenimo, waxaa degmada Hodan gaari nooca xamuulka qaada ah uu ku jiiray muwaadin Soomaaliyeed oo watay Mooto Bajaaj, kadibna waxaa goobta ka cararay gaarigii xamuulka ahaa, kaas oo markii dambe ay soo qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed, eedeysanahaan oo hadda xiran waxaa la hor geynayaa sharciga, sidaas waxaa warbaahinta qaranka u sheegay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare
RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...











