Xalay abaaro 12:10 hameenimo, waxaa degmada Hodan gaari nooca xamuulka qaada ah uu ku jiiray muwaadin Soomaaliyeed oo watay Mooto Bajaaj, kadibna waxaa goobta ka cararay gaarigii xamuulka ahaa, kaas oo markii dambe ay soo qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed, eedeysanahaan oo hadda xiran waxaa la hor geynayaa sharciga, sidaas waxaa warbaahinta qaranka u sheegay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari
Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...











