Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mida madaxda hay’adda ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.
kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha dadka ku barakacay gudaha dalka oo ay sameeyeen abaaraha iyo colaadaha, sidoo kale Madaxda Hay’adda SoDMA ayaa la wadaagay wafuudda ka socotay GPT qorshaha lagu ilaalinaaya dadka ka soo barakacay xaladaha abaaraha iyo colaadaha.
Ugu danbayn Guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamud Macallin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Wafuudda ka socotay hay’adda Global Protection Team sida ay u garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.